Gudoomiyaha Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Hirshabeele Sheekh Cismaan Barre Maxamed oo lahadlay Warabahinta Dowladda ayaa sheegay in mudooyinkii lasoo dhaafay uu ku sugnaa magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan si-uu u xaliyo Beelo walaalo ah oo halkaas isku maan dhaaftay,
Waxaa uu sheegay Guddoomiye Cismaan Barre in Beelaha arrintooda iyo sidii loo xalin lahaa waqti badan galiyeen isaga oo kaashanaya Masuuliyiin Gobolka Hiiraan,waxaana xiisadas ay aheyd mid ku qotintay dil askari ka tirsan Ciidamada Dowladda uu askari kale ugu geystay Gudaha Magalada Baladweyne,taas oo keentay inay bilaabato xiisad ka dhaxeysa labada beelood oo ay kasoo kala jeedaan labada Askari..
Sidoo kale guddoomiyaha waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray in Beesha uu ka dhasha askariga lagu qanciyay inay magdhow ama diyo qaadato,sidaasina lagu aaso meydka Askari oo todobaad ka badan ku jira qaboojiya yaalla Isbitaalka Baladweyne.



