Gudodomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saakay ka ambabaxay garoonka Diyaaradaha Magalada baladweyne, iyaga oo kusii jeeda Magalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya.
Safarka Guddoomiyaha ayaa waxaa ku wehliya Xubno ka tirsan labada Gole ee Maamulka Hir-Shabeelle,waxana u jeedka safarka lagu sheegay inay Nairobi uga qeyb geli doonaan shir looga hadlayo Arrimaha fatahaadaha Wabiga Shabeelle ee Gobalka Hiiraan iyo sara u qaadka hormarka gobolka,ka qeyb qaadashada masiibooyinka dabiicig ah
Sidoo kale guddoomiye Caraale ayaa inta uu ku sugan yahay Magalada Nairobi waxaa uu halkaas kula kulmi doona dhamaan mas’uuliyiin Hay’adaha deeq bixiyaasha Caalamka ee Arimaha Soomaaliya ee fadhiyo dalka Kenya.
Waa safarkiisii ugu horeeyo ee uu uga ambabaxo Magalada Baladweyne Guddoomiyaha Cusub ee Maamulka Gobolka Hiiraan Cali Muxumed Caraale tan iyo markii xilkaasi loo magacaabay.



