DHAGEYSO: Gudoomiyaha Hiiraan “Waan ilaalineynaa xuquuqda maxaabiista”

Hiiraan-RisaalaFM- Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cusmaan oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaa wuxuu ka hadlay xaalada ay ku nool yihiin maxaabiista ku xiran xabsiyada Magaalada Beledweyne.

Wuxuu sheegay in uu la yaabay maxbuus la xukumay oo weli ku xiran saldhiga Magaalada Beledweyne, taasina aysan mardambe dhici doonin oo loo soo wareejin doono xabsiga dhexe ee Magaalada.

Cali Jeyte Cusmaan Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan ayaa sidoo kale wuxuu sheegay in ay wadaan dadaalo lagu dhisayo xabsiga Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan, si maxaabiista saldhiga looga soo wareejiyo.

Gudoomiye Cali Jeyte ayaa sheegay in ganacsatada looga baahan yahay in ay ka qayb qaataan dib u dhiska xabsiga, maadaama lagu xirayo dad galay danbiyo kala duwan.