Wakiilka QM ee Soomaaliya oo gaaray Boosaaso

Wafdi ka socda Qaramada Midoobey ayaa maanta gaaray magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka gobolka Bari.

Wafdiga ayaa waxaa hogaaminayay Wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Micheal Keating , waxaana Garoonka diyaaradaha Magaalada Boosaaso , kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan maamul goboleedka Soomaaliyeed Puntland.

Ujeedada ay u tageen Magaalada Bosaaso ayaa lagu sheegay in ay tahay in xal laga gaaro colaada ka taagan magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Micheal Keating ayaa Madaxweynaha Puntland kala hadlay dardargelinta heshiiskii  dhawaan Imaaraadka Carabta ay ku wada gaareen Madaxweynayaasha Puntlad iyo Galmudug.

Qaramada Midoobey ayaa si weyn uga walaacsan Colaada ay dadka badani ku dhinteen ee ka taagan magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Micheal Keating ayaa sidoo kale Madaxweynaha maamulka Puntland kala hadlay doorashada xildhibaanada Aqalka Hoose oo maalmo ka hor ka bilaabatay Magaalada Garoowe.