DHAGEYSO: Gudoomiyaha Awdheegle oo ka hadlay duqeyntii Sh/Hoose

Maxamed Aweys Abuukar gudoomiyaha degmada Awdheegle ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa waxa uu ka warbixiyay weerarkii degmada Awdheegle lagu qaaday.

Waxaana uu sheegay in habeenkii uu dhacay weerarka duqeynta ah, isagoona sheegay in lagu qaaday xarakada Al-shabaab.

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in weerarkaan Al-shabaab looga dilay ku dhowaad 14 qof waxaana uu tilmaamay in uu la socday weerarka lagu qaaday Al-shabaab.