DHAGEYSO: Gudoomiyaha Aqalka Sare oo Xukuumadda ka dalbaday dhismaha Golaha Garsoorka

Gudoomiyaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya  Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa Xukuumadda Soomaaliya ugu baaqay in ay si deg deg ah u dhisto golaha Adeegga Garsoorka.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in looga bixi doono helitaanka Golaha Adeegga Garsoorka in lasoo afjaro khilaafka ka dhex taagan dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo maamul goboleedyadda.

Xukuumadda ayuu ka dalbaday in ka shaqeyso dhismaha Golaha hadii kale uu Muddo dheer socon doono Khilaafka.

Ugu dambeyntii waxaa uu xusay in dalka ay ka jiraan dhibaatooyin badan oo ay sababeen Khilaafka labadda dhinac.