Muqdisho-RisaalaFM- Waxaa xalay xarunta Villa Hargeysa kulan deg deg ah ku yeeshay qaar ka tirsan xubnaha xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka iyo waliba Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.
Kulanka oo ay ka qeyb galeen 50 xildhibaan ayaa waxaa looga hadlay hadalkii ka soo yeeray Dr. Axmed Cali Daahir xeer ilaaliyaha Qaranka, kaasi oo laba ka mid ah xildhibaanada ku eedeeyay Qaran Dumis, islamarkaana Baarlamaanka ugu baaqay in xasaanada laga qaado.
Qaar ka tirsan xildhibaanada ayaa waxa ay sheegeen in xad gudub uu yahay hadalka xildhibaan Axmed Cali Daahir, iyaga oo sidoo kale tilmaamay Dr. Axmed in uu galay gaf iyo qalad.
Sidoo kale xildhibaanda ayaa waxa ay dalbadeen in dib loo furo kalfadhiga xubnaha xildhibaanada Baarlamaanka, taasi oo ay saxiiseen 55 xildhibaana, waxaana loo gudbiyay Guddoonka Baarlamaanka Federaalka.



