Gaarissa-RisaalaFM- Gaari nuuciisa uu yahay kuwa xamuulka oo ka dhacay wado uu marayay oo ku taalla magaalada Gaarissa ayaa waxa uu dulmaray Gawaari kale oo wadada marayay.
Inta la xaqiijiyay 17 qof ayaa ku dhimatay halka tira kale ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegeen Gaadiidka deg deg ah ee Ambalaasta gaar ahaan saraakiisha caafimaadka oo goobta uu falka ka dhacay gaaray, kadibna halkaasi ka qaaday dadkii ay waxyeelada soo gaartay.
Saraakiisha Ciidanka waddooyinka ayaa sheegay in Wadayaasha gaadiidka ay ka faa’ideysanayaan maqnaashaha Ciidanka waddooyinka islamarkaana ay si xad dhaaf ah u kaxeynayaan Gawaarida si ay dhaqsi u tagaan halka ay u socdaan.
Sidoo kale Ciidanka Wadooyinka ayaa sheegaya in Wadooyinka qaar ee Gobolka Waqooyi Bari ay aad u baaba’san yihiin islamarkaana aysan Gaadiidka awood u lahayn in sidii la doono loogu ka xeeyo.


