DHAGEYSO: Guddoomiye Waceys oo Farriin u diray Shacabka

Gudoomiyaha gobolka Bari ee maamulka Puntland Yuusuf Maxamed Waceys ayaa ugu baaqay Shacabka kunool Magaalada Boosaaso in aysan gabaad u noqon Al-Shabaab iyo sidoo kale Kooxda Daacish.

Waxaa uu sheegay in ay muhiim tahay in dadka Shacabka ay la shaqeeyaan ciidamada Ammaanka,islamarkaana ay kusoo wargeliyaan waxyaabaha ay ka shakiyaan.

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale xusay in ay muhiim tahay in bulshada Magaalada Boosaaso ay joojiyaan isku soo baxyadda Maadaama ay suurtagal tahay in Qaraxyo lala beegsado.

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa maamulka gobolka Bari, waxaa uu waday dadaallo kala duwan oo looga hortagaayo in Magaalada ay dhacaan Qaraxyo iyo falal lidi ku ah Ammaanka.