DHAGEYSO: Guddoomiye Muudey” Dowladda Nabad iyo Nolol ma ahan”

Abdiwali Sheikh Ibrahim Mudey, addresses House of the People and journalists after he was declared winner in the race for the First Deputy of the Speaker of the House of the People of the Federal Parliament in Mogadishu, Somalia on January 12, 2017. UN Photo / Omar Abdisalan

Gudoomiye Kuxigeenka Golaha Shacabka Cabdiwali Ibraahim Sheekh Muudeey ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya aysan aheyn halka ku dhigga Nabad iyo Nolol.

Waxaa uu sheegay in Marnaba aysan dowladda Soomaaliya aysan noqon karin Nabad iyo Nolol,laakiin xukuumadda kaliya ay adeegsankarto.

Waxaa uu sheegay in Magaca dowladda Soomaaliya loo yaqaano in uu yahay dowladda Federaalka Soomaaliya.

“Dowladda Nabad iyo Nolol ma ahan, Xukuumadda Nabad iyo Nolol iska dhaha hadaad rabtiin, laakiin dowladda waa Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya”ayuu yiri Guddoomiye C/weli Muudey.

C/Wali Sheeklh Ibraahim Muudeey ayaa sheegay in Saaka oo kaliya ay dalka isaga dhoofeen ku dhowaad 20 Xildhibaan iyadoo aan laga warqabin wax fasaxna aysan ka heysan Gudoonka Baarlamaanka.