DHAGEYSO: Guddiga Doorashooyinka oo dhaliilo kala duwan loo jeediyay

17-ka Bishaan ayey ahayd markii Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu Magacaabay Guddiga Heer Federaal ee Hirgelinta Doorashooyinka Dadban ee sannadka 2016-ka.

Guddiga doorashada ayaa waxaa ay ka kooban yihiin 22 Xubnood oo shan ka mid ah ay yihiin Wasiirro ka tirsan Xukuumada Soomaaliya,waxaana ku jira Xubno ka socda Maamul goboleedyada Dalka iyo Aqoonyahano Soomaaliyeed.

Guddigan waxaa hawshiisu noqon doontaa dejinta qorshe hirgelin oo faahfaahsan, jadwalka doorashada iyo inuu ku dhawaaqo taariikhda ay dhacayaan doorashooyinka sannadka 2016 sida lagu cadeeyay qoraalka Xafiiska Madaxweynaha.

Siyaasiiyin, Aqoonyahano, Xildhibaano iyo qaar ka mid ah shacabka Muqdisho ayaa siyaabooyin kala duwan ugu hadlay Magacaabista guddigaan.

Sidoo kale waxaa Magacaabista guddigaan ka soo horjeestay Madasha ay ku mideysan yihiin Xisbiyada ka jira Dalka.