DHAGEYSO: Guddi loo xil saaray Xasuuq ka dhacay Shabeelaha Hoose

Gudoomiyaha gobolka Shabeelaha Hoose Ibraahim Cali Aadan oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in guddi loo xil saaray dad Ciidanka AMISOM ay ku xasuuqeen gobolka Shabeelaha Hoose.

AMISOM ayaa habeen Hore Baasuuge ku dhufatay Gaari ay saarnaayeen 6 qof shacab ah oo khudaar u siday Magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.

Sidoo kale AMISOM waxaa lagu eedeeyay in habeen hore ay ku dileen degaanka Ceel Wareegow Hooyo iyo sidoo kale caruurteeda.

Gudoomiyaha gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegay in ay si deg deg ula kulmeen ciidanka AMISOM ka dib dhacdooyinkaasi xanuunka badan.

Gawaarida Ciidanka AMISOM ayuu sheegay in ay geysteen Xasuuqa loo geystay Habeen Hore dadka shacabka ah ee kunoolaa gobolka Shabeelaha Hoose.

Ibraahim Cali Aadan Najax ayaa sidoo kale sheegay in ay  baaritaan dheeri ah ku sameyn doonaan dhibaatooyinka ciidanka AMISOM ay ka geystaan gobolka Shabeelaha Hoose.