DHAGEYSO: Guddi amni oo loo magacaabay Hiiraan

Jowhar-RisaalaFM- Wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle islamarkaana uu Jowhar warbaahinta ugu aqriyay Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Cali C/laahi Cosoble ayaa waxaa lagu magacaabay Guddi ka shaqeeya Amniga guud ee Gobolka Hiiraan.

Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle ayaa wuxuu sheegay magacaabistan in ay timid kadib markii ay adkaatay xaalada amaan ee Gobolka Hiiraan, isagoo tusaale u soo qaatay weerar maalmo ka hor lagu qaaday xarun Ciidanka AMISOM ay ku leyihiin Gobolka Hiiraan.

Cali C/laahi Cosoble Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle ayaa saraakiisha Ciidanka iyo shacabka Gobolka Hiiraan ka dalbaday in ay la shaqeeyaan Guddigan loo xilsaaray in ay ka shaqeeyaan ilaalinta amniga Gobolka Hiraan.

Xubnaha loo magacaabay Guddigan ayaa dhaamaantood ah saraakiil ciidan waxaana ay kala yihiin:-

  • S/guuto Cumar Aadan Dhabad.
  • G/Sare Tawane Axmed Muxumad.
  • G/sare Isaaq Cali Cabdulle.
  • G/sare Isaaq Cismaan Idiris.
  • G/sare Axmed Cabdi Weheliye.
  • G/dhexe Cali Cabdi Mahadalle.
  • Dhamme Xasan Maxamed Ibraahim.

Wareegtadan ka soo baxday Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle ayaa ah tii ugu horeysay ee uu maamulku soo saaro waxaana ay saameyneysaa amaanka Gobolka Hiiraan.