DHAGEYSO: Goormaa ayay dib u bilaabanayaan wada hadalada Galmudug iyo Ahlusuna ?

Cadaado-RisaalaFM- Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi (Carabey) ayaa sheegay in ay dib u bilaaban doonaan wada hadalada Maamulada Galmudug iyo Ahlusunna.

Waxa uu sheegay in marka ay dhacdo Doorashada Madaxweynaha Galmudug ka dib ay si toos ah u bilaaban doonaan Wada hadalada Maamulada Galmudug iyo Ahlusunna.

Madaxweyne Carabey ayaa sheegay in uu guul ku soo dhamaaday Safar shaqo oo uu ku joogay Magaalada Muqdisho.

Waxa uu sidoo kale sheegay in ay muhiim tahay in laga wada shaqeeyo sidii loogu midowbi lahaa hormarinta iyo Maamilada degaanada Galmudug.

Maxamed Xaashi Cabdi (Carabey) Waxa uu tilmaamay in Galmudug ay diyaar u tahay in ay ka shaqeyso sidii loo qancin lahaa Masuuliyiinta Maamulka Ahlusunna isla markaana meel looga soo wada jeesto xal u helida cabashada Maamulka Ahlusunna.

Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi (Carabey) ayaa hadalkan sheegay ka dib markii uu Maanta dib ugu laabta Magaalada Cadaado oo Xarunta KMG u ah Maamulka Galmudug.