Waxaa Maanta si toos ah u shaqo bilaabay Garoomadda Diyaaradaha ee ku yaalla degaanada maamulka Galmudug ka dib markii uu Amray Madaxweynaha Galmudug in dib loo furo.
Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawadda Galmudug Cabdullaahi Cali Maxamed ayaa warbaahinta u sheegay in dhammaan Garoomadda diyaaradaha xayiraadii laga qaaday oo ay shaqo bilaabeen Maanta.
Waxaa uu sheegay in Galmudug ay xaqiijin doonto Ammaanka Garoomadda degaanada maamulka Galmudug, hadana ay degan tahay xaaladda Galmudug.
Muddo dhan Afar maalmood ayaa waxaa xirnaa garoomadda ku yaalla degaanada maamulka Galmudug ka dib markii Madaxweynaha Galmudug uu Amray in la xiro.



