Wararka inaga soo gaaraya Xaafadda Suuqa Xoolaha ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in Qarax khasaare geystay halkaasi lagula eegtay kolonyo ay la socdeen Ciidanka AMISOM.
Qaraxan ayaa la sheegay nuuciisa in uu ahaa Miinada nuuca dhulka lagu Aaso, waxaana uu qabsaday mid ka mdi ah kolonyada ay la socdeen Ciidanka AMISOM, sida ay Risaala u sheegeen Dadka Degaanka.
Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya ayaa Qaraxa kadib waxa ay gaareen goobta uu ka dhacay Qaraxa, waxaana ay halkaasi ka wadaan baaritaano ku aadan Qaraxan.


