Madaxweynaha maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa sheegay in shabaabkii weeraray deegaanada Puntland aysan ka tagin halkaasi, iyadoo dhowaan war uu ka soo baxay wasiirka amniga Puntland Cabdi Cali Qarjab uu sheegay in koonfurta Mudug gaar ahaan Galmudug ay ka soo tageen Shabaabka soo gaaray deegaandooda oo hada dagaal kula jira ciidmada Puntland.
Waxaana uu sheegay in qorshe la soo abaabulay arintaasi looga dan lahaa.
C/kariin Xuseen Guuleed oo maanta shir Jaraa’id ku qabtay magaalada Cadaado ayaa qeexay dhibaatooyinka ay ku hayeen Shabaabka ka tagay deegaanadooda.
Dagaalyahano ka tirsan ururka Al-shabaab ayaa la sheegay in dhinaca xeebta ay ka weerareen deegaano ka tirsan maamulka Puntland.


