DHAGEYSO: Galmudug oo Walaac ka muujisay Abaarta ka jirta degaanadeeda

Gudoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka maamulka Galmudug Maxamed Axmed Maalin oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Abaaraha ku dhuftay degaanada Galmudug ay kasii darayaan maalinba maalinta ka dambeysa.

Waxaa uu sheegay in dad badan oo xoolo dhaqato ahaa in ay ka dhamaadeen xoolihii ay haysteen ,islamarkaana hadda ay dayacan yihiin.

Maxamed Axmed Maalin ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale Hay’addaha Gargaarka in laga doonaayo in ay Gurmad gaarsiiyaan dadka dhiban.

Qeybaha kala duwan ee Bulshada Galmudug ayuu ugu baaqay gudoomiyuhu in ay soo gargaaran dadka dhibaateysan.