Cadaado-RisaalaFM- Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi (Carabey) oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in loo baahan yahay Hay’adaha Amniga Maamulka Galmudug in ay ka shaqeeyaan Amniga Guud ee Deegaanada Galmudug xilliga Doorashooyinka.
Maxamed Xaashi Cabdi (Carabey) Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Galmudug ayaa sidoo kale sheegay in Ciidamada looga baahan yahay in ay sugaan Amniga Guddiga Doorashooyinka Galmudug oo hada qorsheynaya in Magaalada Cadaado ay ka dhacdo soo xulista Xubnaha Xildhibaanada ee Dowladda Cusub.
Wuxuu sheegay in Maamulka Galmudug uu dadaalo fara badan ku bixinayo Sugidda Amniga goobaha ay ka dhacayaan Doorashooyinka.


