Howlgallo ka socda Gobolka Galgaduud

Galgaduud-RisaalaFM- Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta waxa ay Howlgallo ka wadaan Deegaano hoostaga Degmada Ceel-buur ee Gobolka Galgaduud.

Howlgaladan ayaa ah kuwo lagu xaqiijinayo Amniga, kadib markii shalay gelinkii dambe Labo nin lagu dilay Deegaan lagu magacaabo Ari-cadeys oo u dhexeeya Degmooyinka Caabud-waaq iyo Balanbale.

Saraakiisha Ciidanka Dowladda Soomaaliya ee Howlgalkan horkacaya ayaa Idaacadda Risaala u sheegay in Howlgalka uu si gaar ah uga socdo Degmooyin ka tirsan Gobolka Galgaduud.

Maalmihii u dambeeyay Gobolka Galgaduud waxaa ka dhacayay Dilal qorsheysan kuwaas oo lala beegsanayay Mas’uuliyiinta Dowladda iyo dad shacab ah.