Masar-RisaalaFM- Howlgal badbaadin ah ayaa ka socda xeebaha Dalka Masar, kadib markii shalay Doon siday 600 oo Qof ay ku degtay xeebaha Dalka Masar.
Inta la xaqiijiyay 42 Qof ayaa ku dhimatay Doontan ku degtay xeebaha Dalka Masar, waxaana weli la la’yahay Toboneeyo kale oo qeyb ka ahaa dadkii saarnaa Doontaasi.
Ciidanka Ilaalada xeebaha Dalka Masar ayaa sheegay in ilaa iyo hada dadka la soo badbaadiyay tiradooda ay gaareyso ilaa iyo 170 Qof.
Kooxaha Gurmadka ayaa weli wada Howlgalka ay ku baadi goobayaan dadka kale ee weli nool, sidoo kalena doonaya in Musiibadaan laga soo badbaadiyo.
Doonta ayaa ku degtay xeebta Magaalada Dekadda ah ee of Rosetta, waxaana wali soo baxaya macluumaadka ku saabsan shilkan.
Sawiro ay soo bandhtagy Warbaahinta Dalka Masar ayaa muujinaya Tahriibiyaal fara badan, kuwaas oo laga soo badbaadiayay Doonta Degtay.