Gaalkacyo-RisaalaFM- Guddoomiyaha Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug Xirsi Yuusuf Barre ayaa waxa uu ka hadlay xirnaanshaha wadooyinka qaar ee ku yaalla Magaaladaasi.
Waxa uu sheegay wadooyinka waa weyn ee Gaalkacyo in ay xiran yihiin, balse hada ay wadaan in la furo wadooyinka, maadaama ay wada hadal yeesheen labada dhinac ee Puntland iyo Galmudug.
Sidoo kale Xirsi Yuusuf Barre Guddoomiyaha Magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay Ciidamo yar oo labada dhinac ah in ay ku sugan yihiin wadooyinka xiran, balse hada ay wadaan sidii Ciidamdaasi halkaasi looga kaxeyn lahaa.
Guddoomiye Xirsi ayaa shacabka Magaalada Gaalkacyo ugu baaqay in ay nabadda ka shaqeeyaan, kana hor tagaan waxyaabaha mararka qaar dhalin kara amni darada.
Maamulka Puntland waxa uu horey u sheegay in gabi ahaan ay fureen wadooyinka gaalkacyo ee dhankooda ka xirnaa.
Wadooyinka Magaalada Gaalkacyo ayaa ku xirmay Dagaalo dhexmaray Ciidamada maamulada Puntland iyo Galmudug, kuwaasi oo ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah, iyo in Barakac ay sameeyaan dadka qaar ee halkaasi ku noolaa.


