Kenya-RisaalaFM- Ururka Al-shabaab ee ka dagaalama Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa in Gaari ay ka Afduubteen xadka u dhaxeeya Kenya iyo Soomaaliya.
Guddoomiyaha Degmada Ceel-waaq ee Gobolka Gedo ayaa sheegay in xooggaga Al-shabaab ay soo afduubteen Gaari ay la socdeen Muwaadiniin kenyan ah.
Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa Idaacadda Risaala u sheegay in Ciidamada Dowladda ay la dagaalameen xoogga Al-shabaab oo ka yimid dhanka Degmada Ceel-waaq.
Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Risaala u sheegay xooggaga Shabaab in Gaarigan ay la aadeen Degaano ka tirsan Gobolka Gedo oo iyagu ay ka taliyaan.


