DHAGEYSO: Golaha Wasiirada oo soo bandhigaya Hantidooda gaarka ah

Muqdisho-RisaalaFM- Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa Golaha Wasiirada cusub waxa uu ka dalbaday in ay soo bandhigaan Hantidooda gaarka ah, maadaama ay qabanayaan xil Qaran.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa Golaha Wasiirada waxa uu ka codsaday in ay soo buuxiyaan Foomam ay ku qoran yihiin Decomentiyo muhiim ah oo ay ka mid yihiin Anshaxa iyo qaabka ay u shaqeynayaan.

Sidoo kale Xasan Cali Khayre Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay Golaha Wasiirada Soomaaliya in lagula xisaabtamayo hantida Qaranka.

Wasiirka Warfaafinta iyo Hanuuninta dadweynaha Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cismaan ayaa ka hadlay arrimahan.