Cadaado-RisaalaFM- Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Galmudug Cali Gacal Casir oo warbaahinta la hadlay ayaa faah faahin ka bixiyay Ciidamada NISA ee Maamulka Galmudug oo qabtay Gaari caasi ah oo walxaha Qarxa laga soo buuxiyay iyo Labo nin oo saarnaa.
Waxa uu sheegay Gaarigan Qaraxa laga soo buuxiyay in la doonayay in lagu dhibaateeyo dadka shacabka ah, balse Ciidamada oo waqti dheer ku bixiyay ay suurta gashay in gacanta lagu soo dhigo.
Cali Gacal Casir Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Galmudug ayaa Madaxweynaha Soomaaliya ugu baaqay in Abaalmarintooda uu bixiyo dadkii soo sheegay Walxahan Qarxa, maadaama uu horey u balan qaaday in 100,000 oo Dollar lagu Abaalmarinayo Qofkii soo sheega waxyaabo lidi ku amniga.
Guddoomiye Cali Gacal ayaa sheegay in uu u mahadcelinayo shacabka reer Galmudug, maadaama Ciidamada ay kala shaqeynayaan ka hortagista Walxaha Qarxa.
Sidoo kale Cali Gacal ayaa sheegay raggan la qabtay in sharciga la marsiin doono, isaga oo sidoo kale Ciidamada ugu baaqay in ay heegan galaan, maadaama la sheegay in Gawaari kale oo Qaraxyo saaran yihiin ay Magaalada ku jiraan.



