DHAGEYSO: Galmudug “DF hanagala shaqeyso Doorashada Madaxweynaha”

Cadaado-RisaalaFM- Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Madaxweynaha Galmudug Xildhibaan Maxamed Xasan Geelle oo Wareysi siiyay Idaacada Risaala ee Muqdisho ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya looga baahan yahay in ay xoojiso wada shaqeynta Galmudug.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in Dowladda Soomaaliya looga baahan yahay in Guddiga Doorashada ay kala shaqeeyaan qabsoomida Doorashada Madaxweynaha Galmudug.

Waxa uu sheegay in Dowladda ay balan qaad keliya ku soo koobtay taageeradeeda balse loo baahan yahay in Dowladda ay ka dhabeyso taageeradeeda.

Waxa uu xusay in Wasaarada Arrimaha Gudaha ee Dowladda looga baahan yahay in ay muujiso kaalinteeda ku aadan Doorashada ka dhaceyso Magaalada Cadaado.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Madaxweynaha Galmudug Xildhibaan Maxamed Xasan Geelle ayaa sheegay in Guddigooda ay ka go’an tahay in ay dhacdo Doorashada.

Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug ayaa horay isugu raacay in 10-ka Bishan April ay Magaalada Cadaado ka dhacdo Doorashada Madaxweynaha Cusub ee Galmudug, waxaana magaaladaasi ka soconayo qaban qaabada ku aadan qabsoomida Doorashada.