Muqdisho:- Labo nin oo Toorey ku dilay nin kale

Muqdisho-RisaalaFM- Labo Nin oo watay Toorey, sida la sheegayna walaalo ahaa ayaa duhurnimadii maanta waxa ay Degmada Dharkeynley ee Gobolka Banaadir gaar ahaan xaafada Mac-macaanka ku dileen nin kale oo rayid ahaa, waxaana Labada Nin ay wateen Mooto-bajaaj.

Labada nin ayaa Toorey la dhacay ninka, iyaga oo beegsaday qeybta sare ee jirkiisa, isla goobta ayaa la sheegay in uu ku geeryooday, waxaana halkaasi Meydkiisa ka qaaday Maamulka Degmada.

Dadka Degaanka ayaa waxa ay Risaala u sheegeen dilkan in uu ahaa mid Aano Qabiil ah, maadaama Labada nin ee ninka kale dilay ay sheegeen in ay u aar gudayeen walaalkood oo horey loo dilay.

Sidoo kale dadka Degaanka ayaa Risaala u sheegay nimankii dilka geystay in ay isku dayeen in ay goobta ka baxsadaan, balse Ciidamada ammaanka ay gacanta ku dhigeen.

Ciidanka ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Labadan nin waxa ay ula dhaqaaqeen saldhiga Galbeed ee Degmada Dharkeynley, si baaritaano loogu sameeyo.