Dhageyso:-Farriin loo direy Ahlusunna & Guddoonka Baarlamaanka

Xildhibaan Yaasiin Shiikh Maxamed oo ka tirsan Baarlamaanka galmudug ee garabka Ahlu Sunna waljamaaca ayaa ku baqay in xal laga gaaro khilaafka ka taagan arrimaha doorashooyinka Galmudug.

Waxaa uu ugu baaqay Xildhibaanka guddoonka Baarlamaanka Galmudug inay soo farageliyaan khilaafka ka dhex-jira Xubnaha Guddiga doorashooyinka Madaxweynaha & Madaxweyne kuxigeenka Galmudug,isla markaana uu Magacaabo Guddi Baarlamaan oo xaliya khilaafka taagan.

Sidoo kale,isaga oo sii hadlayey ayaa ugu baqay Culimada Ahlu Sunna waljamaaca in ay ka qeyb qaataan in si deg deg ah lagu xaliyo Khilaafaadka jira ee Baarlamaanka Galmudug.

Doorashada Maamulka Galmudug ee dhinaca Madaxweynaha ah ayaa waxaa xilligaan hareeyey khilaaf xoogan, iyada oo Afar kamid ah musharixiinta Galmudug ay sheegeen in aysan ka qeyb galeyn doorashada.