London-RisaalaFM- Munaasabadan oo ay soo qaban qaabiyeen Horgoogayaasha Jaaliayadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Ingiriiska aya aheyd mid lagu soo dhaweynayay Madaxda Dowladda Dhexe iyo Madaxda Maamul Goboleedyada ee maanta ka qeyb galaya shirka arrimaha Soomaaliya looga hadlayo ee ka furmaya dalka Ingiriiska.
Madaxweynahaaysha Dowlad Goboleedyada ayaa dhammaantood muujiyay sida ay u mideysan yihiin Madaxda Soomaalida, uguna mideysan yihiin shirka maanta ka furmaya London.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo kulanka ka hadlay ayaa Qurbajoogta Soomaaliyeed u balanqaaday in Dowladda ay ka shaqeyn doonto la dagaalanka Shabaab iyo soo celinta guud ee Nabadda.
Warbixin ku saabsan warkan waxaa inoo diyaariyay Maxamed Cabdi Cali oo Risaala ka tirsan.



