Atletico Madrid Oo Vincente Calderon Ku Soo Garaacday Real Madrid

Real Madrid ayaa u soo baxday finalka Champions Leaque-ga inkasta oo ay guuldaro kala soo laabtay kooxda ay dariska yihiin ee Ateltico Madrid. Atletico Madrid ayaa samaysay dadaal wayn balse waxay awoodi wayday in ay samayso soo laabasho buuxda. Atletico Madrid ayaa daqiiqadii 16 aad ee kulankan 2:0 hogaanka ciyaarta ku haysay iyada oo sabab u noqotay kulan ku bilaabashadii ugu xumayd ee ay Real Madrid kulan Champions Leaque-ga ah ku bilaabtay.

Real Madrid ayaa Cardiff balan kaga samaysatay kooxda Juventus oo xalay u sii gudubtay Wales kadib markii ay Monaco soo dhaaftay. Finalka Champions Leaque-ga ayaa la ciyaari doonaa June 3,2016 waxayna Real Madrid fursad u haystaa in ay difaacato koobka Champions Leaque-ga. Real Madrid ayaa wadarta labada kulan oo ah 4:2 ugu soo gudubtay finalka Champions Leaque-ga.

SHIXIHII LABADA KOOXOOD EE KULANKAN:

ATLETICO (4-4-2): Oblak; Gimenez, Savic, Godin, Filipe Luis; Koke, Gabi, Saul, Carrasco; Griezmann, Torres.

KAYDKA:Maya, Tiago, Correa, Hernandez, Gameiro, Partey, Gaitan.

REAL MADRID (4-3-3): Navas; Danilo, Varane, Sergio Ramos, Marcelo; Modric, Casemiro, Kroos; Isco, Benzema, Ronaldo.

KAYDKA:Rodriguez, Casilla, Kovacic, Vazquez, Asensio, Morata, Nacho.

Ateltico Madrid ayaa kulankan Real Madrid soo dhawaysay iyada oo doonaysay in ay samayso soo laabasho taariikhi ah kadib markii ay guuldaro 3:0 ahi ku soo gaadhay kulankii Lugtii hore ee afar dhamaadka Champions Leaque-ga ee Bernabeu ka soo dhacay. Los Blancos ayaa doonaysya in ay ugu yaraan natiijadii hore ilaashato haddii kalena ay guul soo gaadho.

Atletico Madrid ayaa sidii la filayay ciyaarta ku bilaabtay qaab ciyaareed duufaan ah taas oo Real Madrid sabab ugu noqotay in ay hesho rekoodhkeedii ugu xumaa ee ay ku bilaabtay kulanka Champions Leaque-ga. Los Blancos ayaa cadaadis waali ah gaashay 16 kii daqiiqo ee ciyaarta ugu horeeyay.

DAQIQADII 5 AAD Atletico Madrid ayaa ku dhawaatay in ay hesho goolka furitaanka kadib markii uu  Carrasco kubbada u soo tuuray Koke laakiin kubbada uu xidiga ree Spain goolkan ku dhalin lahaa ayuu goolhaye Navas kooxdiisa ka badbaadiyay.

DAQIIQADII 7 AAD Real Madrid ayaa halista la galiyay jawaab ka bixisay kadib markii uu Modric kubbad ku soo tuuray xerada ganaaxa Ateltico waxaana darbo madax ah goolka furitaanka Madrid ugu saxiixi gaadhay Casemiro balse markiisa goolhaye Oblak ayaa dariqi iskaga saaray halista.

DAQIIQADII 12 AAD Atletico Madrid ayaa heshay goolkeeda furitaanka iyada oo  Saúl Ñíguez uu noqday dhiiro galiyahooda wuxuuna goolka madax ah ku dhaliyay kubbad uu soo tuuray Koke isaga oo Navas ku dhawaa in uu kubbada badbaadin karo waxayna ciyaartu noqotay 1:0 ay Ateletico Madrid hal gool iskaga soo celisay isla markaana ay hogaanka ciyaarta ku qabtay.

DAQIIQADII 15 AAD REKOODHE! Varane ayaa kooxdiisa halis culus galiyay kadib markii uu dhulka dhigay Torres oo kubbad la soo dhex galay xerada ganaaxa wuxuuna markiiba garsooruhu tilmaamay in ay rekoodhe tahay waxaana kubbada isku soo taagay Griezmann.

DAQIIQADII 16 AAD Griezmann ayaan wax qalad ah samayn wuxuuna kooxdiisa Ateltico Madrid u dhaliyay goolkeeda labaad ee ay sarre ugu soo qaatay rajadeeda soo laabasho laakiin Navas ayaa qiyaasay dhinaca ay kubbada ka maraysay balse waxa uu ku fashilmay in uu joojiyo waxayna ciyaartu noqotay 2:0 ay Ateltico Madrid hogaanka ku dheeraysatay waxayna u baahnayd kaliya hal gool si u barbarayso natiijadii kulankii hore.

REKOODH XUN: Waa markii ugu horaysay ee ay Real Madrid laba gool looga dhaliyay kulan Champions Leaque-ga ah waxayna kulankan ku bilaabtay qaabkii ugu xumaa ee ay kulan Champions leaque-ga ay ugu soo bilaabtay waxaana ka horeeyay kulankii AS Roma ee 2004 kii markaas oo Los Blancos 22 daqiiqo looga dhaliyay laba gool.

Intaa wixii ka danbeyay dardartii Atletico Madrid ayaa qabowday waxayna Real Madrid heshay fursad ay ku fikiri karto. Kooxda martida ahayd ee Los Meregues ayaa dib isku soo habaysay waxayna Ateltico Madrid u soo riixday dhinaca xerada ganaaxa kooxdeeda laakiin wali waxaa Madrid ka maqnayd qaabkii ay ciyaarta ugu soo laaban lahayd.

DAQIIQADII 42 AAD Real Madrid ayaa heshay goolkeeda furitaanka ee micnaha wayn kooxdeeda u lahaa kadib marki uu  Francisco Isco dhaliyay goolka wadnaha xanuuniyay Atletico Madrid ee shaqadi ay soo qbateen ka dhigay mid meel xun ku dhacday laakiin aan sheego layaabkii uu Benzema sameeyay wuxuuna xidiga ree France ka soo dhex baxay saddex difaaca oo Atletico Madrid ah isaga oo waliba xariiqda garoonka kubbada soo mariyay.

Benzema ayaa markii uu difaacyada Ateltico Madrid iska soo dhaafay waxa uu kubbada u bixiyay Kroos kaas oo darbo fiican ku tuuray goolka laakiin goolhaye Oblak ayaa marka hore sameeyay badbaadin wanaagsan balse kubbada ka soo booday ayuu Isco ka horqaatay difaaca iyo goolhayaha si uu dhaliyo goolkiisii xili ciyaareedka ee Champions Leaque-ga waxayna ciyaartu noqotay 2:1 ay wali Ateltico Madrid hogaanka ciyaarta ku hayso.

Natijada wadarta labada kulan ayaa noqotay 4:2 iyada oo markale Real Madrid sarre u sii qaatay hamigeeda finalka Champions Leaque-ga balse waxaa lagu kala nastay 2:1 ay kooxda Simeone hogaanka ku haysay waxaana la sugayay waxa dhici kara 45 ka daqiiqo ee nashada kadib.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta ayay Real Madrid soo laabtay iyada oo ah kooxda dardarta wayn la soo laabtay waxayna markan culayska saartay Atletico Madrid. Simeone ayaa markii  uu arkay kooxdiisa ay xaaladu ku xuntahay waxa uu qaatay go’aan ah in uu shaxdiisa isbadal ku sameeyo.

Simeone ayaa daqiiqadii 57 aad laba isbadal shaxdiisa ku sameeyay wuxuuna kaydka uga yeedhay Kevin Gameiro iyo Thomas Teye Partey wuxuuna ciyaarta ka saaray Torres iyo Geminez. Ciyaarta ayaa markale noqotay mid adag oo labada kooxoodba goolal raadinayeen.

DAQIIQADII 66 AAD  Keylor Navas ayaa sameeyay laba gool badbaadineed oo laayableh isaga oo markii hore kubbad halis ah ka badbaadiyay Carrasco oo dhulka kaga soo taagay Danilo laakiin kubbada soo booday ayuu meel dhaw madaxa kaga darbeeyay Gameiro kaas u muuqday in uu goolkan dhaliyay balse Navas ayaa si deg deg ah sarre ugu kacay si uu markale u beeniyo fursad cadaan ah.