Alex Oxlade-Chamberlain oo isaga tagaya kooxda Arsenal

Heshiiska Alex Oxlade-Chamberlain ee Arsenal ayaa dhacaya dhamaadka xili ciyaareedka soo socda taas oo la micno ah in haddii ayna Arsenal heshiis cusub ka saxiixan uu si xor ah kaga bixi karo Emirates Stadium isla markaana uu ku biiri karo kooxda uu doono. Liverpool ayaa tan iyo xagaagii hore xiiso wayn u haysay saxiixa Chamberlain taas oo uu hadda xidigani tixgalin doono.

Wargayska  Daily Telegraph ayaa shaaca ka qaaday in Alex Oxlade-Chamberlain uu ka fikirayo mustaqbalkiisa Arsenal isla markaana uu tixgalinayo in uu Jurgen Klopp ka hoos shaqeeyo. Wuxuuna wargayskani sheegay in Liverpool ay 25 milyan oo gini ku heli karto adeega Alex Oxlade-Chamberlain.

Arsenal ayaa sanadkii 2011 kii ku guulaystay saxiixa Alex Oxlade-Chamberlain oo markaas da’yar ahaa waxayna Liverpool ka mid ahayd kooxihii ay Gunners ku garaacday saxiixa xidigan balse markan waxay u muuqataa in uu doonayo sidii uu Anfield ugu biiri lahaa haddii ay kooxdiisa heshiis cusub isla gaadhi waayaan.

Alex Oxlade-Chamberlain ayaa hore Southampton ugaga soo ciyaaray khadka dhexe balse waxa uu Arsenal uga soo ciyaarayay garabka weerarka laakiin xili ciyaareedkan markii ay xidigaha khadka dhexe dhaawaca kaga maqnaayeen Arsenal ayuu Wenger xidigan u adeegsaday khadka dhexe halkaas oo uu si fiican uga shaqeeyay wuxuuna doonayaa in Liverpool uga ciyaaro khadka dhexe.

Liverpool ayaa sidoo kale doonaysa saxiixa Mohamed Salah oo ay isna sanadkii 2014 kii u wayday kooxda Chelsea. Mohamed Salah oo hadda ka tirsan kooxda AS Roma ayaa dhamaadka xili ciyaareedkan dib ugu soo laaban kara Premier Leaque-ga iyada markale Anfield laga doonayo.