Tahriibayaal Soomaaliyeed oo Xabsi laga sii daayay

Safaaradda Soomaaliya ee caasimadda Koonfurta Suudaan ee Jubba ayaa shaacisay in ay dib xuriyadooda u heleen 11 dhalinyaro Soomaaliyeed oo ku eedeysanaa inay si sharci daro ku galeen dalka Koofurta Suudaan waxayna ku sii jeedeen dalka Liibiya.

Dhalinyaradaan ayaa laga soo qabtay Magaalada Faluj oo ku taal xadka koonfurta Suudaan la wadaagto Jamhuuriyadda Suudaan, warka ayaa intaa raacinaya in galabnimadii shalay Dhalinyaradaasi ka duuleen Magaalada Jubba iyagoo sii maraya dalka Kenya si ay dib ugu noqdaan dalkooda Hooyo ee Soomaaliya

Xoghayaha 2-aad ee safaaradda Soomaaliya ee koonfurta Suudaan Mohamed Ali Mohamed ayaa ugu digay waalidiinta Soomaaliyeed in ay caruurtooda ku gacan siiyaan Tahriibka wuxuuna sheegay in laga kulmo qataro aad u farabadan inta ay ku jiraan socdaalladaasi biimada ah.

 

Tahriibayaal1-640x369