DHAGEYSO: Farmaajo oo ka hadlay Abaaraha

Muqdisho-RisaalaFM- Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa ugu baaqay muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool wadamada caalamka u gurmashada dadka ay Abaaraha saameeyeen.

Waxa uu sheegay Madaxweyne Farmaajo Dowladdiisa in ay wax ka qaban doonto Abaaraha, hase yeeshee shacabka Soomaaliyeed looga baahan yahay in ay garab istaagaan dadka dhibaateysan.

Sidoo kale Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya ayaa ku baaqay muhiim in ay tahay in lala shaqeeyo Guddiga Abaaraha, si wadajir gar gaarka loogu gaarsiiyo dadka ay ku habsadeen Abaaraha.

Qeybo badan oo ka tirsan Gobolada Dalka ayaa waxaa laga soo sheegayaa Abaaro baahsan, kuwaas oo saameyn weyn ku yeelatay dadka iyo duunyada ku nool halkaasi.