DEG DEG:- Guddoomiye ku dhaawacmay shil gaari

Baay-RisaalaFM- Wararka inaga soo gaaraya Degmada Degmada Bardaale ayaa waxa ay sheegayaan in shil gaari uu ku dhaawacmay Guddoomiyaha Degmada Bardaale Weedow Cali Xasan iyo qaar ka mid ah ilaaladiisa.

Shilkan gaari ayaa waxa uu ka dhacay inta u dhaxeysa Degmooyinka Baydhabo iyo Bardaale, maadaama Guddoomiyaha uu u socday Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay.

Warkan waxaa Idaacadda Risaala u xaqiijiyay Guddoomiye ku xigeenka Degmada Bardaale ee Gobolka Baay Cali Cadow Isaaq.

Dhaawaca Gudoomiyaha iyo qaar ka mid ah ilaaladiisa ayaa waxaa loo qaaday Isbitaal ku yaalla Magaalada Baydhabo, si halkaasi loogu dabiibo.

Cali Cadow Isaaq Guddoomiye ku xigeenka Degmada Bardaale ayaa waxa uu Risaala u sheegay in dhaawaca Guddoomiyaha uu yahay mid fudud, hadana dhaawaciisa la dabiibayo.