DHAGEYSO: Farmaajo “Fursado shaqo abuur ah ayaan u sameyneynaa Dhalinyarada”

Muqdisho-RisaalaFM- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa waxa uu sheegay Dowladda Federaalka in ay shaqo abuur u sameyn doonto Dhalinyarada Soomaaliyeed, si looga faa’ideysto kheyraadka kala duwan ee dalka ku jira.

Waxa uu sheegay Madaxweynaha in Soomaaliya lagu casuumayo maalgeliyaal caalami ah, si ay u maalgashadaan, islamarkaana sidoo kale Dhalinyarada Soomaaliyeed shaqo abuur ay ugu sameeyaan.

Sidoo kale Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay Dowladda in ay sameyn doonto qorshe lagu xakameynayo guud ahaan dhaqaalaha dalka.

Inta badan Dhalinyarada Soomaaliyeed ayaanan helin fursado shaqo oo wanaagsan, waxaana jira shaqooyin fara badan oo Dhalinyarada ay qaban karaan, balse loo dhiibo dad shisheeye ah oo dalal kale ka yimid.