DHAGEYSO: Faahfaahin Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab oo lagu dilay Galgaduud

Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil xalay loo geystay gudoomiyihii Al-Shabaab ee deegaanka Ceelgaras ee gobolka Galgaduud.

Dilka ayaa waxaa geystay Askari horey uga tirsanaan jiray askarta ciidanka dowladda Soomaaliya hadana ka mid ahaa ganacsatada kunool deegaanka Ceelgaras ee gobolka Galgaduud.

Gudoomiyaha la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Faarax Cali Raage sida ay idaacadda Risaala u sheegeen dadka deegaanka .

Gudoomiyaha ayaa u sheegay askariga horay uga tirsanaa ciidanka dowladda Soomaaliya in uu kusoo biiro Al-Shabaab ,  madaam horayba uu ula shaqeyn jiray dowladda Soomaaliya.

Laakiin ninka ganacsadaha ah horeyna uga tirsanaa askarta dowladda Soomaaliya ayaa arintaasi diiday , ka dibna waxaan la sheegay khilaaf ka dib in uu soo qaatay qori oo uu toogtay gudoomiyihii Al-Shabaab ee deegaanka Ceelgaras Faarax Cali Raage.

Gudoomiyaha Degmada Ceelbuur Cabdi Xasan Biyo Quute oo la hadlay idaacadda Risaala ayaa sheegay in askari horey uga tirsanaan jiray ciidanka dowladda Soomaaliya uu dilay gudoomiyihii Ururka Al-Shabaab ee deegaanka Ceelgaras.

Gudoomiyaha Ceelbuur ayaa sidoo kale sheegay in ninkaasi ay Al-Shabaab ka codsadeen in uu la shaqeyo ka dibna uu diiday ayna soo weerareen ka dibna uu is difaacay uuna dilay gudoomiyihii Ceelgaras.

Gudoomiyaha Ceelbuur ayaa sidoo kale xusay in uu baxsaday ninkii dilay gudoomiyihii Al-Shabaab ee deegaanka Ceelgaras uuna u baxsaday dhanka degmada Dhuusamareeb.

Al-Shabaab ayaa muddo gacanta ku haayay deegaanka Ceelgaras ee gobolka Galgaduud.

Majiro wax war ah oo kasoo baxay Al-Shabaab oo looga hadlay dilka xalay loo geystay gudoomiyihii Al-Shabaab ee deegaanka Ceelgaras.