Muqdisho-RisaalaFM- Waxaa faah faahin dheeraad ah laga helayaa Bambo gacmeed xalay lagu weeraray Guri uu degan yahay Askari ka tirsan Ciidanka Booliska oo ku yaalla Degmada Xamar Jajab ee Gobolka Banaadir.
Waqtiga Guriga lagu tuurayay Bambo gacmeedka ayaa waxaa ku sugnaa Dhalinyaro fara badan, kuwaas oo xilligii habeenkii halkaasi isugu imaan jiray.
Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir C/fataax Cumar Xalane ayaa sheegay in weerarkaasi uu ku geeryoodey Askarigii Guriga deganaa, sidoo kalena ay dhaawacmeen ilaa iyo Saddex Dhalinyaro ah.
Waxa uu sheegay in ay wadaan baaritaano lagu ogaanayo raggii ka dameebayay falkan weerarka ah, isagoo sidoo kale weerarkan ku eedeeyay Shabaab.


