Muqdisho-RisaalaM- Ciidamada Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa gacanta ku dhigay Gaari laga soo buuxiyay walxaha Qarxa, kaas oo la doonayay in lagu weeraro Hotelka Maka Al-Mukarama ee Magaalada Muqdisho.
Ciidamada Hay’ada NISA ayaa gacanta ku dhigay Gaariga laga soo buuxiyay Walxaha Qarxa iyo sidoo kale ninkii waday Gaariga.
Ninka la qabtay ayaa sheegay in uu doonayay in uu isku Qarxiyo Hotel Maka Al-mukarama mar ay su’aalo weydiiyeen ciidanka NISA.
Afhayeenka Maamulka Gobalka Banaadir C/fitaax Cumar Xalane oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Gaariga laga soo buuxiyay walxaha Qarxa iyo ninkii waday Gaariga gacanta lagu hayo.
Sidoo kale Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir C/fitaax Cumar Xalane ayaa digniin udiray Milkiiliyaasha Hotelada, isagoona kula dar daarmay in ay sugaan amaanka Hoteeladooda.
Hotelka Maka Al-mukarama ee la doonayay in weerarkan laga geysto ayaa waxaa xiligaas ka socday shir ay yeelanayeen Odayaal dhaqameed.


