Faah faahin dheeraad ah ayaa waxa ay ka soo baxayaan khasaaraha ka dhashay weerarkii lagu qaaday muwaadiniin u dhalatay dalka Turkiga, xilli ay marayeen xaafada Taleex ee degmada Hodan.
Inta la ogyahay waxaa geeriyootay 7 ruux oo isugu jira muwaadiniin u dhalatay dalka Turkiga iyo waliba kuwo Soomaali ah, waxaana halkaasi ku dhaawacmay ilaa iyo 5 ruux.
Laba macalin oo u dhalatay dalka Turkiga ayaa ku jiray dadka geeryooday halka sidoo kale 4 ruux oo la socotay muwaadiniinta Turkiga iyaguna ay geeryoodeen.
Waxaa sidoo kale la sheegay in weerarkaas ay ku geeriyootey qof haweeney ah oo mareysay wadada xilliga uu weerarka dhacayay.
Saraakiisha amaanka dowladda Soomaaliya ayaa sheegaya in kooxahaas ay baxsadeen markii dilkaas ay fuliyeen.
Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke war qoraal ah oo ka soo baxay xafiiskiisa ayaa waxaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay si kulul u cambaareyneyso weerarkaasi lagu dilay muwaadiniinta Turkiga ah.


