DHAGEYSO: Faah faahin laga helayo qaraxyadii Baardheere

Saraakiisha ciidamada dowladda federalka Somaliya ee degmada Baardheere, ayaa faah-faahin ka bixiyay qaraxyo saaka ka dhacay degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

Qaraxyada oo ahaa Shan qarax ayaa ka dhacay wadada dheer ee bartamaha ka marta degmada Baardheere, waxaana ay sababeen qaraxyadaasi khasaare dhimasho iyo dhaawac ah.

Taliye lagu magacaabo Maxamed Macalin Cumar oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa ka warbixiyay qaraxyadii ka dhacay Baardheere.