DHAGEYSO: Booliska degmada Afmadow oo balanqaad loo sameeyay

Maamulka Jubbaland ayaa balanqaaday in dib u habeyn lagu sameyn doono ciidamada maamulkaasi katirsan ee kusugan degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose.

C/rashiid Cabudlaahi Gooni, gudoomiyaha gobolka Jubbada Hoose ee Jubbaland oo lahadlay warbaahinta ayaa balan qaaday in dib u habeyn lagu sameyn doono ciidamada booliska ee kusugan degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose.

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada laga taageeri doono dhanka tababarka, qalabeynta iyo iney helaan wax walba oo ay u baahan yihiin si ay u xaqiijiyaan amaanka degmada iyo deegaanada hoostaga.

Sidoo kale wuxuu sheegay iney jiraan balanqaadyo badan oo loo sameeyay maamulkooda, kuwaasi oo la xiriira tababarka ciidamada booliska degmada Afmadow.