DHAGEYSO: Faah faahin ku saabsan Qaraxii ka dhacay Deg. Deyniile

Muqdisho-RisaalaFM- Duhurnimadii maanta ayaa Qarax Ismiidaamin ah waxa uu ka dhacay Agagaarka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya oo ku taalla Degmada Deyniile ee Gobolka Banaadir.

Qaraxan ismiidaaminta ahaa ee maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho, ayaa sababay dhimashada 7 Qof, halka in ka badan 10 Qof ay ku dhaawacmeen.

Weerarkan, ayaa waxaa lala doonaayay kolonyo uu la socday Taliyaha cusub ee Ciidanka Xoogga Dalka, General Axmed Maxamed Jimcaale (Cirfiid) oo maraayay Wadada Warshadaha.

Askar la sheegay in ay la socotay mid ka mid ah kolonyadii galbineysay Taliyaha Ciidanka Xoogga, ayaa waxaa la sheegay in waxyeelo ay ka soo gaartay Qaraxaasi.

Guddoomiyaha Degmada Deyniile ee Gobolka Banaadir Axmed Nuur Cabdi Siyaad ayaa Qaraxan ku tilmaamay Musiibo Qaran, wuxuuna sheegay Gaari BL ah oo ay saarnaayeen dad shacab ah in ay ku waxyeeloobeen Qaraxan.

Qaraxan ka dhacday Magaalada Muqdisho, ayaa waxay ku soo beegmaysaa laba cisho ka dib, markii Madaxweyne Farmaajo uu is bedel ku sameeyay Taliye-yaasha ciidamada, kuna dhawaaqay dagaal ka dhan ah Al-Shabaab.