DHAGEYSO: Duqa Muqdisho “Amniga dhagaxaan laguma sugi karo”

Muqdisho-RisaalaFM- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay dhagaxaanta waa weyn ee lagu jaray wadooyinka Muqdisho, in aysan aheyn kuwo lagu sugi karo amniga.

Waxa uu sheegay dhagaxaanta wadooyinka lagu jaray muhiim in ay tahay in laga qaado, islamarkaana dadka shacabka ah ay sugtaan amnigooda, kana hortagaan amni darada.

Sidoo kale Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho ayaa sheegay wadooyinka xiran in ay ciriiri geliyeen isu socodka, caro iyo dhagaxna uusan amni sugin.

Wadooyin badan oo Muqdisho ka tirsan, Hoteelo iyo xarumo Dowladeed ayaa waxaa lagu jaray dhagaxaan waa weyn oo loo maciin baday sugida amniga.