DHAGEYSO: Banaanbaxyo ka dhacay Muqdisho

Muqdisho-RisaalaFM- Magaalada Muqdisho maanta waxaa ka dhacay isu soo baxyo kala duwan oo meelo ka mid ah Magaalada ka dhacay, kaasi oo shacabka ay ku muujinayeen dareenkooda ku aadan Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Farmaajo.

Meelaha qaar oo Magaalada Muqdisho ka tirsan weli waxaa laga maqlayaa dhawaqa Rasaas ay ridayaan Ciidanka Dowladda Federaalka, taasi oo ay ku muujinayaan in hoggaanka dalka loo dhiibo Maxamed C/laahi Maxamed.

Qaar ka tirsan bulshada reer Muqdisho ayaa ka waramaya dareenkooda ku aadan sida ay u arkaan Madaxweynaha cusub ee la doortay, xilli banaanbaxyo ay ka qeyb galayeen.

Gobolada dalka Soomaaliya ayaa waxaa ka dhacay banaanbaxyo kala duwan oo bulshadu ay ku muujinayeen taageerada ay u hayaan Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo).