Duqa Magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan Cali dhuux Cali Mahad Alle ayaa ka digay in Magaalada Jowhar lagu doorto Madaxweyne hoggaamin doona maamulka Hirshabeelle, waxaana uu sheegay in Madaxweynaha Hirshabeelle uu yahay Cali Cabdullaahi Cosoble.
Waxaa uu sheegay in maamulka Hiiraan ay taageersan yihiin Madaxweyne Cali Cabdullaahi cosoble, maadaama si sharci daro ah looga qaaday xilka.
Duqa Magaalada Baledweyne ayaa ku tilmaamay waxa ka socda Magaalada Jowhar in ay tahay Sharci darana ha lagu rido sharci darana ha lagu doorto.
Waxaa uu xusay in loo baahan yahay in la tixgeliyo cadeymaha uu haayo Madaxweynihii xilka laga qaaday Cali Cabdullaahi Cosoble.
Xiisad Siyaasadeed ayaa ka taagan maamulka Hirshabeelle, waxaana suurtagal ah in Madaxweynaha lagu doorto Jowhar uu tagi waayo Hiiraan.


