Wararka inaga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Hoose gaar ahaan deegaanka Janaale ayaa waxa ay sheegayaan sheegaya in ciidamada dowladda Soomaaliya ay bur-buriyeen saldhig lagu tababaro kooxda Daacish.
Sargaal ka tirsan Taliska ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo Magaciisa Ka gaabsaday ayaa wakaaladda wararka Soomaaliyeed ee SONNA u sheegay in ciidamada ay ku guuleysteen bur burinta xarumo dhowr ah oo lagu tababari jiray Daacish.
Sarkaalkaasi waxa uu intaa ku daray in ay gacanta ku hayaan dagaalyahano ay soo qabqabteen iyagoo sidoo kale soo uruuriyay Meydadka horjoogayaal Ajaanib ah kuwaas oo uu xusay in dhawaan la soo bandhigi doono.
Horey ayay aheyd markii kooxda Daacish ay shaacsay in ay saldhigyo ciidan ay ku leeyihiin Soomaaliya.


