Sareeye Guuto Cali Baashi Maxamed Abaanduulaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in ururka Al-Shabaab ay haatan ka firsanayaan Soomaaliy oo ay ku biirayaan dagaalada ka socda Bariga dhexe.
Cali Baashi oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sidoo kale sheegay inay suurta gal tahay ajaanibta ka dhinac dagaalama Al-Shabaab in dhulka xeebaha ah la gaynayo si ay ugu gudbaan bariga dhexe.
Al-Shabaab ayaa ka dagaalama qaybo badan oo ka mid ah Soomaaliya waxaana haatan ay weerar ku qaadeen dhulka xeebaha ah ee Puntland ka tirsan iyaga oo dagaalo kala kulmaya ciidanka Puntland.


