Dowladda Soomaaliya ayaa laba diyaaradood oo sida saanad ciidan u dirtay maamul goboleedka Puntland si ay kaga caawiso dagaalka ay kula jiraan ururka Al-shabaab oo weerar ku qaaday deegaanada maamulkaasi.
Garoonka ay ka baxeen diyaaradahaasi waxaa ku sugnaa wasiirka warfaafinta Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye iyo saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka.
Wasiir Maareeye ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay kaga gol leedahay saanadan militari oo ay u dirtay Puntland si loo soo gaba gabeeyo howlgalka Al-shabaab looga saarayo deegaanada ay kaga sugan yihiin Puntland.


