DHAGEYSO: Dowladda oo sheegtay inay diyaarisay qorshe lagu sugaayo amniga

Wasiirka Wasaarada amnig gudaha ee dowladda Faderaalka Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay in wasaaradiisa ay diyaarisay qorshe lagu sugaayo amaanka xiliga ay socoto doorashada.

Sidoo kale wasiirka wuxuu sheegay in saldhigyada ay joogaan ciidamada amaanka loo yeelayo meelo ay kala soo xiriiraan dadka Shacabka ah si ay ugu soo wargeliyaan ciidanka ammaanka dhacdooyinka lidiga ku ah amniga.

Wali ma cada xiliga ay dhacayso doorashada in kastoo uu jiro walaac ku aadan in doorashada xiligeeda ay dib kaga dhacayso.