Wararka ka imaanaya Gobolka Shabellaha Dhexe, ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamada Dowladda Soomaaliya ay saaka kala wareegeen ururka Al-Shabaab Tuulada lagu magacaabo Miirtaqwe ee gobolka Shabeelaha Dhexe.
Tuulada Miirtaqwe ayaa waxa ay ka mid tahay tuulooyinka hoos yimaada degmada Mahadaay ee gobolka Shabeelaha Dhexe.
C/laahi Maxamed C/laahi oo ka mid ah Saraakiisha ciidamada oo la hadlay idaacadda Risaala ayaa sheegay in si nabadgelyo ah ay kula wareegeen degaankaan, islamarkaana ay iskaga baxeen Al-Shabaab markii ay ku soo dhawaadeen ciidanka dowladda Soomaaliya.
C/laahi Maxamed C/laahi ayaa sidoo kale sheegay in xaalada degaanka ay degan tahay islamarkaana ciidanka dowladda Soomaaliya ay ka wadaan howgallo miino baaris ah.


